Ma Dhabaa in Kulankii Shalay ee Ergada Ethiopia & Somalia ay Isku Mari waayeen..

Africa News Somalia news

Kadib markii 4-Xubnood ka socda Villa Somalia iyo kuwa ka socday Maamulka Addis abeba ay shalay wadahadallo qarsoodi ah uga bilaawdeen magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, iyadoo Labada dhinac waxaa u kala dab-qaadaayern Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya & kuwa Safaarada USA…

Xogo hordhac ah oo laga helay magaalada Nairobi ayaa xaqiijiyay in Kulankii shalay la isku mari waayay nooca hab-qoraalka hore, Iyadoo Ergada Ethiopia-ka oo maalmahan dambe aan aad u diidaneyn iney is-afgaradkii ka laabtan ayaa iskudayay in qoraalkaasi la maldaho, laakiin dhinaca Xubnaha ayaa ku adkeystay iney diideen aragtida Ethiopianka waxeyna taasi badalkeeda dalbeen in Qodobka kala laabashada si buuxda loo cadeeyo, Marka kadibna dhinaca Ethiopia ayaa la sheegay iney la tashi aadeen.

Ilaa hada waxaan la hubin in hadii ay kulamadan isku soo dhowaansho keenaan, iney kadib si gaar ah isku arki doonan madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaare Abiye, inkastoo uu Madaxweynaha Somalia uu dhowr jeer diiday inuu la kulmo Abiy-ga Ethiopia ilaa uu ka laabanayo is-afgaradkii uu la galay Maamulka Waqooyiga Somalia.

313550cookie-checkMa Dhabaa in Kulankii Shalay ee Ergada Ethiopia & Somalia ay Isku Mari waayeen..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com