Share the post "Madaxweynaha Djibouti Oo ku Eedeeyay UAE iney Khakhal Amni ka Wadaan Qaarada Africa…"
Madaxweynaha Dalka Djibouti Mr.Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku eedeeyay Hogaanka Dowlada Imaaraadka Carabta iney khalkhal gelin Amni iyo iney maal-gashi Balaayiin US$ ah ku bixinayaan Afrika inay u adeegsadaan hamiga milateri, isagoo ka digay in tallaabooyinkan ay khatar ku yihiin madax-bannaanida iyo xasiloonida Gobolka.
Mr.Geelle, wareysi uu siiyay Radio France Internationale, ayuu ku sheegay in 110-ka Billions ee US$ ee Imaaraadku wado maalgelinta Qaaradda oo dhan ay u adeegto laba ujeedo, isku dirka Dadka, boobka Kheyraadka Africa iyo hadafyada istiraatiijiga ah ee Ciidamadooda, Wuxuuna xaqiijiyay in Djibouti ay diiday codsigii UAE ee ahaa in ay saldhig milatari ka sameystaan Dalkooda, taasina ay keentay in Dowlada Khaliijka ay raadsato beddelka dalalka deriska ah.
Dowladaha Afrika ayaa si isa soo taraysa uga walaacsan saamaynta sii balaaranaysa ee Dalka UAE iyo fara gelinta arrimaha Siyaasada iyo isku dirka Shucuubta Africa iyagoo adeegsanaaya Adeegayaal African ah, wqxeyna kaalmada dhaqaale ay ku xiraan fara gelinta amaanka iyo Boobka Kheyraadka, Madaxweynaha Jabuuti Geelle ayaa walaac ka muujiyay kadib markii ay soo baxeen warar aan la xaqiijinaaya in Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedaha magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso ay Imaaraadku u adeegsadaan xarun Hubka iyo Saanada u marsiiso kooxda argagicisada RSF ee Sudan, iyo in nidaamka difaaca lidka diyaaradaha (Raadaarka) ee Israa’iil laga howlgaliyay gobolka Bari Somalia.