ATMIS oo Sheegtay iney Xal u heshay Muran ka taagnaa Degmada Bardaale..

Somalia news

Macluumaad kasoo baxay Hogaanka Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika loona soo gaabiyo ATMIS ayaa lagu sheegay in heshiis ay kala dhex dhigeen koox ku sugan Degmada Bardaale & Saraakiisha Maamulka Degmadaasi oo bilihii u dambeeyay muran Siyaasadeed iyo khilaaf uu ka dhex jiray..

Nabadeynta Howshaan waxaa ATMIS u fuliyay saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee howlgalkaasi u qaabilsan Degaannada Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed, iyadoo uu murankaan muddo soo jiitamayay, waxaana ugu dambeyntii xal loo helay sida lagu sheegay wararku.

Murankaan ayaa biyo-dhiciisu ahaa Gargaarka Bani’aadamnimo oo loogu talagalay in la gaarsiiyo goobaha ay adag tahay in la gaaro ee Gobolka Bay katirsan balse hadda wixii ka dambeeya qorshuhu yahay in la gaarsiiyo, “Ciidamada ENDF ee ATMIS ayaa ku guuleystay in ay heshiis nabadeed kala dhex dhigaan Qeybo muran siyaasadeed dhex maray ee Degmada Berdaale ee Maamulka Konfur Galbeed ka dib muddo bilo ah oo uu muranka taagnaa” ayaa lagu yiri war lagu daabacay barta ATMIS.

256890cookie-checkATMIS oo Sheegtay iney Xal u heshay Muran ka taagnaa Degmada Bardaale..