Mareykanka ayaa Gaadiidka Qafilan ugu Deeqday Hawlgalka (Djibouti) ATMIS ee Somalia 

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa in Dowladda Washington ay ugu deeqday 24 Gaadiidka Gaashaman ah Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Somalia, si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Kooxaha argagixisada oo Shababku ugu horeyso…

Gaadiidkaan qafilan ee dagaalka ayaa waxaa ciidamada Djibouti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee ATMIS u adeegsan doona howlgalo Ciidan oo ay ka wadaan gudaha iyo daafaha magaalada Beledweyne iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Larry Andre, Danjiraha Mareykanka ee Somalia, oo wareejinaayey gaadiidkan isagoo ku sugan magaalada Muqdisho Arbacadii, ayaa sheegay taageerada dowladdiisa iyo dadaalka loogu jiro nabadeynta iyo xasilloonida Somalia iyo Gobolka Geeska Afrika.

Gadaadiikaan deeqda ah ayaa kor loogu qaadayaa awoodda ATMIS-ka ee ka hortagga IED-da iyo ilaalinta rayidka, kaabayaasha muhiimka ah iyo goobaha xasaasiga ah, fududaynta bixinta sahayda bini’aadantinimo iyo taageeridda hawlaha xasilinta.

205780cookie-checkMareykanka ayaa Gaadiidka Qafilan ugu Deeqday Hawlgalka (Djibouti) ATMIS ee Somalia