Madaxweynaha Jubbaland Oo u soo Gurmaday Xasan Sheekha Villa Somalia…

Politics Security Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Fashil siyaasadeed ee mudooyinkii ugu dambeeyay Madaxaweynaha Villa Somalia la gabi dhacaayay, ayaa la sheegay inuu u soo gurmaday Madaxweynaha aan dhicin ee Maamulka Jubbaland u fidiyay kadib markii ay Wasiirka 1-aad iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ku fashilmeen iney Xeyndaabka ku soo celiyaan Hogaanka Maamulka Konfur galbeed..

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu xalay khadka talefonka ku kulansiiyay Xasan Sheekh & Cabdicasiis lafta gareen, iyadoo lagu wado in Safar uu ku tago magaalada Baydhabo Madaxweyne Xasan Sheekh maalmaha soo aadan si wada hadalo qoto dheer looga yeesho khilaafka taagan loona dhameystiro inta dhiman.

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Lafta gareen uu balan qaaday inuu ka soo qeyb galo kulanka loo balansan yahay ee 25-ka Septembar ee lagu qaban doono magaalada Mogadishu, is-afgaradkaan ayaa waxaa aad uga naxay Mr.Deni oo go’doon siyaasadeed muddo 3-sano ku dhow ku jiray, lamana oga inuu ka soo qeyb geli doono Kulanka.

343880cookie-checkMadaxweynaha Jubbaland Oo u soo Gurmaday Xasan Sheekha Villa Somalia…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *