Cagabado ku Gudban Wajiga 2-aad ee Duulaanka la Qorsheeyay in lagu Qaado Kooxda Shababka..

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Caqabado ku gudban bilowga Wajiga 2-aad ee Duulanka la qorsheeyay in lagu qaado degaanka ku harsan Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo Dowladaha Deriska iyo Maamulada qaarkood ay ka caga jiidayaan fulinta Qorshahaan…

Ilo wareedyo Amaan ayaa sheegaya in Dowladaha Ethiopia iyo Kenya ay ka caga jiidayaan iney Ciidamo u soo diraan Gobolada la qorsheeyay inuu ka bilaawdo qeybta 2-aad ee Howlgalka ku aadan xuduuda ay la wadagaan Somalia, iyadoo Howlgalkaan la qorsheeyay inuu ka bilaawdo Galmudug oo aysan ka muuqan dhaqdhaqaayo iyo Gobolka Gedo.

Saraakiisha Madaxtooyada ayaa ku afgobaadsatay Baaqashada Ciidamada Ethiopia iyo Kenya in Xiligaan lagu jiro Xilku roobaad inta badan Gobolka Gedo uu yahay mid ay adag tahay in Gaadiidka Dagaalka si fudud loogu adeegsan karo Dagaalka iyo arrimo kale oo aan la shaacin.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa la sheegay iney ka caga jiidayaan abaabulka iyo ka qeyb galka Howlgalkaan, iyadoo Axmed Madoobe uu soo gaaray magaalada Mogadishu si uu tabashada uu qabo ugu gudbiyo Madaxweynaha Somalia, Halka Madaweynaha Galmudug lagu eedeeyay inuusan ka bilaabin degaanada ay degen yihiin Beeshiisa Ololaha.

269750cookie-checkCagabado ku Gudban Wajiga 2-aad ee Duulaanka la Qorsheeyay in lagu Qaado Kooxda Shababka..