Muddo Kordhinta Baarlamaanka Oo Mustaqbal Madow U Jiheyneysa Somalia

Somalia news

Dalka Somalia ayaa lagu waramayaa in Maalmaha soo socota ay wajihi doonto khalkhal Siyaasadeed iyo Amni, kadib markii talo aan aad loo ruugin si fududna lagu gaaray in muddo kordhin 2-sano ah ay ansixiyeen Xildhibaanada Muddo xileedu ka dhamaaday, iyadoo sidoo kale Garabka Farmaajo ay qaadhaceen Kulankii Teendhada Afisioni….

Xeel dheerayaasha Siyaasada iyo Arrimaha gudaha ee Dalka ayaa sheegay in Muddo Kordhintaan ay sii kala fogeyn doonto Kooxaha Siyaasada isku haya, iyadoo sidoo kale Saaxiibada Somalia ay ka fiirsanaaya talaabada ay ka qaadi karaan Kooxda Villa Somalia oo go’aansaday iney isku koobto Go’aan ka gaarista Masiirka Doorashada dalka, ku darsoo horey waxaa u maqneyd Somaliland, waxaana ku biiraya Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Prof.Kabire ayaa sheegay in Xaalada Dalka uu 3-Qodob midkood noqon doono kadib go’aanka Muddo Kordhinta Kooxda Farmaajo oo Degaanada Dalka ka taliso Caasimadda, waxeyna kala yihiin:-

-Kooxda Farmaajo ay la yimaadaan garaad siyaasadeed oo biseyl ka muuqdo dhaafsiisana isku koobida go’aan gaarista Arrimaha Masiiriga ah, isla markaasna miiska wada hadalka dib ugu laabtaan oo hilmaamaan Go’aanada fudud ee laab la kaca ku dhisan inkastoo aysan muuqan rajo Dib u noqosho ah.

-In Beesha Caalamka oo damaanad qaaday Arrimaha, Taageerida Siyaasada, Amaanka, Kabida Dhaqaalaha iyo isku daba ridka deeqaha ay ka fiirsadaan fariinka u qabtaan, iyagoo ku soo rogaan doona Cunaqabateyn dhaqaale Hogaamiyayaasha kooxdaan iyo xayiraado dhanka safarada ah.

-In Shacbiga Magaalada Mogadishu ay isku dhacaan Kooxdaan, iyadoo hadda muuqato Saan Saan colaadeed oo horseedi karta inuu burbur ku yimaado Dowladda curdanka ah oo tan iyo sanadkii 2000 wakhti iyo dhaqaale badan loo huray, dibna loogu laabto dagaal Beeleedkii laga gudbay.

Farmaajo ayaa diyaarsaday Ciidamo u badan Beeshiisa iyo kuwa Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka 1-aad lagu kabay Odayaal dhaqmeed degaanka ah, Ciidamo, Wadaado iyo Taageerayaal faro ku tiris ah, kuwaasoo u muujiyay iney taageerayaan Muddo Kordhinta inkastoo shaki badan ay ku xeeran yihiin Saraakiisha Ciidamada Hogaamiyayaasha qaarkood aad loogu bahdilay Labada Gobol ee Shabeelooyinka sanadihii ugu dambeeyay Ee Maamulka Fashilmay ee Farmaajo.

Farmaajo war badan kama hayo Darren ka Shacbiga Magaalada Mogadishu Sida ay u dhibsadeen dhaqan siyaasadeedka xukunkiisa iyo Maamul xumada ku xeeran Isbaaroyin iyo Cunaqabateynta lagu hayo, iyadoo lagu wado iney ka faa’iideystaan Midowga Musharixiinta oo muddo dheer ka digaayay Muddo Kordhinta iyo waxa ka dhalan kara.

110540cookie-checkMuddo Kordhinta Baarlamaanka Oo Mustaqbal Madow U Jiheyneysa Somalia