Share the post "Madaxweynaha Kenya Oo Soomaalida Kenya Balanqaad Culus u Sameeyay & Sababta.."
Wararka naga soo gaaraya Dalka Kenya ayaa sheegaya in safarka shaqo ee Madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo toddobaadkan ku tagay Gobolka Waqooyi Bari ayuu ku dhawaaqay in la baabi’inayo habraacii hore ee hubinta (vetting) ee lagu sameyn jiray qowmiyado gaar ah, oo ay ku jirto bulshada Soomaaliyeed, marka ay codsanayaan kaararka aqoonsiga Qaranka…
Wararka ayaa sheegaya in Tallaabadan ayaa la filayaa inay fududeyso nidaamka codsiga kaararka aqoonsiga Qaranka iyo in la xoojiyo sinnaanta muwaadiniinta Kenya, wuxuuna nidaamkan cusub dhaqan-gali doonaa bisha May ee sanadkan 2025-ka, Maamuladii hore ayaa lagu eedeeyay iney ka been sheegi jireen Tirada guud ee Shacbiga ku nool degaanada Waqooyi bari ee Soomaalida Kenya si ay u fududaato in takoor lagu sameeyo.
Wararka ayaa sheegay in Sharciyada hubinta (Vetting) uu ahaa mid lagu xaqiraayo laguna xakameynaayo tirada saxda ah ee Soomaalida Kenya si aasan saami buuran ugu yeelan awood qeybsiga Beelaha Kenya, waxaana la sheegay in Muwaadinimada la noqdo waxaa u baahan tahay (ID) Kaarka aqoonsiga, iyadoo shuruud ay ku xirneyd in Wakiil uu ka noqdo Odayaasha Dhaqanka degaanka taasoo dhibaato weyn ku aheyd Muwaadiniinta Soomaalida Kenya.