Maxaa Ka Dhab ah in Khilaaf uu Soo kala dhex galay Saraakiisha & Hogaanka NISA

Somalia news

Iyadoo uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka markii la doortay u magacaabay Hogaanka NISA, Kaaliyiha Xisbigiisa, okaasoo durbadiiba dardar ku bilaabay inuu isku shaandheyn ku sameeyo Hogaamada, Nabadsugida Gobolka iyo Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa soo shaac baxaayo guux & Saluug laga keenay Isbedelka cusub…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Kaaliyihii Agaasimaha ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dr.Cabdullaahi Abdirahmaan oo jagadan loo magacaabay markii Mr.Mahad Salaad loo xushay Agaasimaha NISA uu iscasilay.

Wararka ayaa sheegay in Ujeedada iscasilaada Sarkaalkaan lagu sheegay in uusan ku qancin Qorshaha cusub & hanaanka Shaqada Hay’adda lagu hormarinaayo & lagana diiday qorashayaal soo bandhigay kuwasoo uu ku doonayey lagu hormariyo.

Madaxweynaha Somalia ayaa tilmaamay in Dowladiisu ay xoogga saareyso labo Qorshe-istiraatiijiyadood oo lagula dagaallamayo Kooxaha argagixisada, si looga ciribtiro guud ahaan dalkeenna, taas oo ay laf-dhabar u yihiin Talisyada Xoogga Dalka, Boliiska iyo NISA.

206150cookie-checkMaxaa Ka Dhab ah in Khilaaf uu Soo kala dhex galay Saraakiisha & Hogaanka NISA
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com