Ma Dhabaa In Kheyre Lagu Bedelaayo Geedi

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijin ayaa in Madaxweeyne Farmaajo, uu go’aansaday inuu bedelo RW.Xasan Cali Kheyre, kadib markii ay isku maandhaafeen qodobo badan oo ay ugu muhiimsan tahay qaabka Loo wajahaayo Doorshada isla markaasna Barlamaanka Loo marsiiyo Muddo kordhinta iyo tiro Wasiiro ah oo Mr.Faraamjo culeys u arkay iney shaashada maamulkiisa ka soo muuqdaan…..

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Qorshaha bedelka uu soo gaaray heerkii ugu dambeeyay, waxaana la diyaariyay barnaamij lagu dhaleeceynaayo Mr.Kheyre lagu eedeeynayo, inuu aan diyararin doorasho qof-iyo-cod ah, eedda oo dhanna kaligii dusha laga saarayo “Scapegoating”, si uu MD Farmaajo u helo, mudo kororsi 1-2 sano ah.

Sababaha Iyo Ciladaha

-Waa marka hor Maamulka Villa Somalia ayaa3-dii sano ee ugu dambeysay ku faani jiray inuu hal Ra’iisul Wasaare uu magacaabay, ayna si wanaagsan u wada shaqeeyeen, buuq, khilaaf, iyo waliba mooshin la’aan, ayaa gunaanadkii muddo xileedkiisa dareemay inuu Fashilmay.

-Tan Xigta, in Mr.Kheyre lagu bedelo Shaqsi Ex RW Geedi oo kale ah ma sahlana, maangalna ma ahan, Maxaa yeelay Xiligaan Maamulka Farmaajo kama bixin karo Dhibaatada Siyaasadeed ee uu abuuray iyo Cadaawada uu ka dhaliyay Guud ahaan Somalia gaar ahaan Dowlad goboleedyada. ee RW Kheeyre xilka ku weyn karo.

 -Tan ugu Dambeysa, Hadii aan heshiis laga gaarin Khilaafka dhexdooda ah, wax fudud ma ahan in Qof Mas’uul ah oo eedo badan ka galay dadkiisa in la yiraahdo si iskiis ah ayuu isku casilay (Resignation), iyo in codka kalsoonida (Vote of confidence), ay kala noqdaan xubnaha Baarlamaanka.

Mr.Farmaajo Qorshaha uu ku badalayo RW Kheyre, aanu aheyn xulasho ka turjumeeysa sumcadiisa, maxaa yeelay Prof.Cali Maxamed Geedi, waa shaqsi sumcadiisu dhaawac culus uu kasoo gaaray, xasuuqii Ethiopianka ka geysteen koonfurta dalka, gaar ahaan caasimada iyo nawaaxigeeda, isla markaasna aan raali gelin ka bixin, iyo inuusan aheyn shaqsi wax maamuli kara.

Ku darsoo Mr.Farmaajo wuxuu lahaa awaamiirtii lagu dhiibay Muwaadin C/Kariim Qalbi-Dhagax, weerarkii lagu qaaday guriga CC Shakuur Iyo Xasuuqii Caruurta iyo dadkii ay Ciidamada Ethiopia ku laayeen Magaalada Baydhabo, Sidoo kale cunaqabateynta iyo Isbaarooyinka baada lagu qaado ee gudaha Magaalada Muqdish iyo Xayiraadii duulimaayad Kismaayo, Mr.Farmaajo inuu Xil ku aamino Mr.Geedi, Waa u talo xumo taasoo ah midda meeshaan soo gaarsiiyay Xitaa marka lagasoo tago dhanka sumcada, wuxuu MD Farmaajo ogyahay, wixii kala qabsaday Ex RW Geedi, iyo Ex MD .abdullaahi Yuusuf Axmed, marka laga hadlayo boobka dhaqaalaha dowladii xiligaan.

37730cookie-checkMa Dhabaa In Kheyre Lagu Bedelaayo Geedi