Cod-bixinta Dalka Mareykanka & Awooda Soomaalida

Somalia news U.S.

8-da Bisha ayaa lagu wadaa iney Muwaadiniinta Mareykanka u dareeraan cod-bixinta xiliga dhexe, iyadoo lagu wado iney doorashada sanadkaan saameyn ku yeelan doonto Soomaalida dalkaasi ku nool oo degaano kala duwan ay Musharixiin badan ku tartamayaan doorashada…

Doorashadaan ayaa noqotay mowduuc aad u xiiso badan isla markaasna ay aad u hadal hayaan Bulshada Soomaalida, laga soo bilaabo wadooyinka Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnasota oo ah halka ku badan yihiin Muwaadiniinta Somali-Mareykanka ah, sidoo kale Waqooyiga magaalada bari ee Columbus ee Gobolka Ohio ayaa degaanada 2-aad ay ku badan yihiin Soomaalida waxeyna xudun u noqon doonaan xiliga dhexe ee Doorashada maalinta Talaadada.

Iyadoo 11-Musharax oo Somalia ka soo jeeda ay ku jiraan Tartanka doorashada ee heerarka kala duwn, waxeyna inta badan ka sharaxan yihiin Xisbiga Demuqaraadiga, inkastoo siyaasada xisbiga Sanadkaan uu dib u dhac weyn ku keenay Carkowga Madaxweynaha ka Mareykanka Mr.Biden.

Musharaxiinta Soomaalida oo ka tilmaaman bulshooyinka kale, ayaa sanadkaan waxey ka mideysan yihiin hal ujeedo oo ah kor u qaadida matalaada Dadkooda iyo iney karaar siiyaan geedi socodka dhanka ka qeyb galka Siyaasada Mareykanka iyo iney cod u noqdaan Dadkooda soo galootiga u badan kuwaasoo haatan kor u dhaafaya 300-kun oo qof.

223680cookie-checkCod-bixinta Dalka Mareykanka & Awooda Soomaalida