Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Oo Dib ugu Laabanaaya Magaalada Kismaayo & Sababta..

Politics Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laaban doona magaalada Kismaayo, kadib markii heshiis laga gaari waayay Kulankii Golaha Wadatashiga Qaranka ee ku aadan Qodobo muhiim ah oo ay ka mid tahay hanaanka Doorashada Dalka…

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Axmed Madoobe uu ka biyo diiday inuu heshiiska uu qeyb ka noqdo, Villa Somalia ayaa qorsheyneysay in Maamulada Konfur galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle ay soo saaraan warmurtiyeed taasoo kaliftay in laga laabto, iyadoo warar is khilaafsan kasoo baxayaan in laga maarmay gabi ahaanba iyo in lasoo saari doono iyadoo Jubbaland maqan tahay, horeyna PL u maqnayd.

Heshiiska doorashada oo Kulankaan muhiim ahaa ayaa waxaa isbaaro u dhigtay Mr.Axmed Madoobe iyadoo Waxgarad iyo Awoobyahanni badan oo ka soo jeeda Beelaha Kuumade ay ku eedeeyeen inuu ku sifoobay aabihii Khilaafka Somalia, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay inuu Hogaanka Maamulka Jubbaland ka dhigay mid uu isagu leeyahay oo aan cid kale kula tartami karin.

345610cookie-checkMadaxweynaha Maamulka Jubbaland Oo Dib ugu Laabanaaya Magaalada Kismaayo & Sababta..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *