Maxaa ka run ah in Xildhibaano UK Lagu Eedeeyay iney Dhaqaale ka Qaateen Maamulka Somaliland

Somalia news

Sida uu qoray Wargeyska The Guardian, Maamulka Somaliland, ayaa la ogaaday iney dhaqaale isugu jira hadyado iyo sandareerto su’aalo la iska waydiin karo la siiyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka UK, kuwaasoo balanqaaday iney olole Aqoonsi raadis ka dhex bilaabi doonaan Barlamaanka guduhiisa iyo Dowlada UK..

Wararka ayaa sheegay in sidoo kale Saraakiisha maamulka Somaliland ayaa qandaraasyo dhaqaale ku bixiyeen sidiii Xildhibaanada Congress-ka Maraykanka looga dhex olaleeyo Ictiraaf-doonkooda, Duulaankaan siyaasadeed ayaa u muuqda mid la doonayo in lagu kala hantaalo Midnimada iyo Wadajirka Qaranka Somalia.

Sanadkii tagay ayaa waxaa jiray olole diyaarinta Sharci la doonaayay in hor geryo Aqalka Congress-ka Maraykanka, kaasoo dhigaya in Maraykanku u aqoonsado Somaliland dal madax-bannaan, Talabadaan ayaa u muuqata mid xumeyn karta xiriirka Somalia & USA, isla markaasna ku riixi karta in Somalia isbaheysi siyaasadeed la yeelato Dalalka Russia iyo China.

Dhanka kale, waa macruuf in Maamulka Somaliland uu muddi sanado ah ku bixinaayeen dhaqaale u olalaynta ictiraaf-doonkooda, waxaase hada cusub in la xaqiijin karo Wadooyinka aan Sharciga ahayn ee ay umartay raadintaasi, Arintaan waxay waji gabax weyn ku tahay Baarlamaanka UK, iyadoo Xildhibaanada xiriirka la leh Maamulka Hargaysa lagu soo gole joojin karo Laaluushka ay ka qaateen.

222740cookie-checkMaxaa ka run ah in Xildhibaano UK Lagu Eedeeyay iney Dhaqaale ka Qaateen Maamulka Somaliland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com