Balantii Dhuusa Mareeb-3 Iyo Diyaar-Garow La’aanta

Somalia news

Shirka Dhuusambeeb-3, waxaa la qorsheeyay inuu Qabsoomo August 15, 2020, hase yeeshee waxaa ballantu aheyd in kahor ay guddiga ka baaraan degaya talooyinka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka ay kasii shaqeeyaan dhammaan waxyaabaha la doonayo in kulankaas heshiiska looga gaaro oo ay ugu weyntahay sida ay doorashada dalku u dheceyso….

Saas oo ay tahay, ma muuqato astaamo wanaagsan oo muujinaaya in guddiyadii loo xil saaray howsha ay guda galaan, iyadoo caqabada guddigaan heysata ay tahay fursad ay isugu imaan karaan Magaalada Dhuusa mareeb oo ay aheyd iney ku shaqeeyaan ayaa la sheegay in Villa Somalia ku adkeysaneyso in kulamada guddigu ay Muqdisho ka dhacaan oo dhammaan waxa la doonayo in la geeyo shirka Dhuusamareeb looga dhigo wax aan ka hor imaaneyn qoshaha dheereynta waqtiga uu xafiiska joogayo Mr.Farmaajo.

Ila wareedyada ayaa Diinah.com news u sheegay in xubnaha kale ee ay soo magacaabeen dowladda dhexe, Gobolka Banaadir iyo Dowlad gobaleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ay isugu tageen Hotel Decale, hase yeeshee shirkii uu furmi waayay maadaama xal kasta oo la isku dayay uu guul darreystay.

Maxaa Puntiland iyo Jubaland kaliya shirka u diideen:-

Xogo ayaa sheegaya in Danjiraha Qatar ee Muqdisho uu fara gelin ku hayo Shirka Dhuusa mareeb-3, wuxuuna culeysyo ku saaray Madaxweynayaasha Galmudug, Konfur Galbeed iyo Hir-Shabelle iney guddiyadooda la dejiyay Hoteelka Decale, Qatar ay bixiso Dhaqaalaha Ku baxaaya, Talaabadaasi ayaa la sheegay iney ka biyo diideen Dowlada Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, waxeyna ku adkeysteen in Kulanka Guddiyada lagu qabto Magaalada Dhuusa mareeb.

Warar sii baxay ayaa sheegaya in 3-da Madaxweyne (Galmudug, Konfur Galbeed iyo Hir-Shabelle) laga geday inay taageeraan qorshaha muda dheerenyta ah ee Mr.Farmaajo, warar kalana waxay sheegayaan in caga jugleyn loogu deray oo loo sheegay inay ku quus qaataan wixii ku dhacay Ra’iisul Wasaare Khayre oo diidanaa damaca Villa Somalia.

52880cookie-checkBalantii Dhuusa Mareeb-3 Iyo Diyaar-Garow La’aanta