Madaxweynaha Russia Oo Xilkii ka Qaaday Wasiirkii Gaahandhigga Dalkaasi & Sababta…

World

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa bedelay Wasiirkii Gaashaandhigga Sergei Shoigu oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen, Mr.Shoigu oo 68-jir ayaa xilkaan hayay tan iyo sanadkii 2012-kii, waxaana loo magacaabayaa Xoghayaha Golaha Amaanka ee Russia oo ah Gole awood badan inkastoo aan la ogeyn Xoghayihii Golahaasi Nikolai Patrushev Xilka loo magacaabi doono…

Qoraal ay daabaceen Aqalka Sare ee Baarlamaanka Russia ayaa lagu sheegay in Mr Shoigu lagu bedeli doono Rra’iisul wasaare ku xigeenka Dalkaasi Sarkaalka lagu magacaabo Andrei Belousov, Mr Shoigu ayaa door muhiim ah ka qaatay abaabulka iyo dagaal gelinta ay Ciidamada Russia ka wadaan Dalka Ukraine.

Mr Belousov oo ah Sarkaalka loo xushay inuu bedelo Mr.Shoigu waa dhaqaaleyahan leh khibrad ciidan oo yar, wuxuuna Dadka qaar ku noqon doonaa la yaab, tallaabadan ayaa muujineysa in madaxweyne Putin uu doonayo inuu si dhow ula jaan qaado dhaqaalaha Ruushka iyo dadaalka dagaalka.

Sanadkii 2023-kii, Mr.Shoigu ayaa dagaal adag uu dhex maray isaga iyo Madaxii kooxda Ciidamada Khaaska ee Wagner Yevgeny Prigozhin oo asalkiisu Israel ka soo jeedo ku saabsan Dagaal gelinta Ciidamada Russia a ee dagaalka Ukraine, Prigozhin, oo hogaaminayay gadood muddo kooban socday oo ka dhan ah Moscow, ayaa ku eedeeyay Mr Shoigu inuu ahaa “bac wasakh ah” iyo “waayeel eber ah”, isagoo ku dhintay Shil diyaaradeed.

326520cookie-checkMadaxweynaha Russia Oo Xilkii ka Qaaday Wasiirkii Gaahandhigga Dalkaasi & Sababta…