Dagaalka & Dacaayadaha Toonta Lagu Beero Dalka China oo USA ka Gaartay Heerkii ugu Xumaa..

Business Travel World

Todobaadyadii ugu dambeeyay Dalka Mareykanka waxaa ka socday dagaal ay Siyaasiyiintu dalkaasi ku bartilmaameedsanayaan Toonta (Garlic) lagu beero lagana soo dhoofiyo Dalka China, iyadoo laga muujiyay walaac waxaana la sheegay inay khatra ku tahay Amaanka Qaranka…

Rick Scott oo ah Senatar ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa Xoghayaha Dhaqaalaha ayaa Maamulka Bedan ugu baaqay inay baaraan dhibaatooyinka (Toonta) ay Amniga qaranka ku leedahay lagana soo dhoofiyo Dalka China, Senatorkaan oo warqad u diray Wasaarada Beeraha ayaa u sheegay in toonta China laga keeno aysan lahayn badqab. Wuxuu sheegay in toontan loo beero qaabab aysan nadaafaddoodu fiicneyn oo Boosaneer laga dul beero.

Sanatarka Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay arrintaas wuuxuna warqaddiisa ku sheegay ‘inay jiraan walaac caafimaad oo halis ah oo bulshada Mareykanka soo wajahay marka la eego tayada toonta lagu beero dibadda, gaar ahaanna toonta lagu beero Shiinaha.

China ayaa ah Dalka Aduunka ugu dhoofinta badan toonta, Mareykanka ayaana ah dalka inta ugu badan isticmaala, Tan iyo sanadihii 1990-dii, Mareykanka ayaa canshuur culus kusoo rogay badeecooyin badan oo laga keenay China si beeraleyda Mareykanka looga difaaco saameynta qiimaha hooseeya ee suuqa.

292360cookie-checkDagaalka & Dacaayadaha Toonta Lagu Beero Dalka China oo USA ka Gaartay Heerkii ugu Xumaa..