Xoogaga Xuuyitiinta oo Kordhiyay Weerarda Maraakiibta & USA oo Xulafo Dagaal Abaabuleysa…

World

Xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar ku qaaday tiro dhowr Maraakiibta Ganacsi oo marayay marin biyoodka Bab el-Mandeb 2-dii maalmihii la soo tagtay, waxeyna abuureen aag cusub oo dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas, talabadaan oo sii adkeyneysa dadaalada USA iyo xulafadiisa ay ku doonayaan inay ku sugaan marinkaasi…

Xoogaga Xuutiyiinta ayaa Talaadadii sheegtay mas’uuliyadda weerar ay ku qaadeen markabka Xamulka Strinda ee Norway maalin ka hor xeebaha Yemen, iyadoo xulafada Iran ay kordhiyeen weerarrada ay ku carqaladeynayaan qulqulka shixnadaha si ay uga jawaabaan dagaalka xasuuqa ka socda magaalada Gaza.

Shirkadda Maraakiibta Denmark ee Maersk ayaa Jimcihii beenisay hadal ka soo yeeray dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iran, kaasoo ahaa in maleeshiyada ay duqeyn diyaaradeed ku qaadeen markabka Maersk oo ku sii jeeday dekeda Dalka Israel, halka shalay Markabka lagu magacaabo “Ruen” ayaa lagu qabtay xeebaha dalka Yemen ee badda Carabta. Markabka ayaa waxaa iska leh shirkadda Fleet ee Badda Bulgaria. Sidaas waxaa sheegay Telefishinka Qaranka Bulgaria, Sida laga soo xigtay BNT, ma jiraan wax xiriir ah oo lala yeesho kooxda Xuutiyiinta.

USA ayaa wada qorshe ay kala xaajooneyso Xulafadeeda Khaliijka iyo kuwa kale ee ku aaddan tillaabo military oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen ay si wadajir ah u qaadaan si ay u joojiyaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, talaabadaan ayaa u muuqata mid ka sii dari karta xaalada hadda taagan.

293470cookie-checkXoogaga Xuuyitiinta oo Kordhiyay Weerarda Maraakiibta & USA oo Xulafo Dagaal Abaabuleysa…