Magaalada Dhuusa mareeb Oo Ciidamo Hubeysan Ay Gaareen

Somalia news

Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud ayaa la soo Sheegaya iney gaareen Ciidamo aad u hubeysan kuwaasoo qaarkood wata Gadiidka Dagaalka, waxeyna gurmad u yihiin Qaar ka mid ah Senatorada, Xildhibaanada iyo Musharixiinta degaanka ka soo jeeda kuwaasoo daneynaaya ka mid noqoshada Baarlamaanka cusub…

Inta badan Siyaasiyiinta ku sugan magaaladaaasi, ayaa siyaasadda ku kala aragtida duwan yihiin Madaxweynaha Galmudug waxeyna isha ku hayaan liiska musharaxiinta Aqalka Sare, ee dhawaan la fillayo inuu Madaxweynuhu soo gudbiyo, talaabadaan ayaa u muuqata imtixaan siyaasadeed horyaala Madaxweyne Qoor Qoor.

Dhanka kale, Waxaa soo shaac baxaaya Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug iyo Mr.Qorqor kadib markii tiro Xildhibaano ah laga hor istaagay iney garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyaan Musharixiin ka soo dageysa, waxeyna ku hanjabeen ineysan taageeri doonin Liiska Musharixiinta ee ay soo wada diyaariyeen Villa Somalia iyo Qorqor.

Si kastaba ha-ahaatee Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal ayaa siyaasiyiinta ugu laab qaboojiyay inaanay jirin cid awood u leh inay duudsiiso xaqa ay u leeyihiin in la doorto amaba ay wax doortaan.

133310cookie-checkMagaalada Dhuusa mareeb Oo Ciidamo Hubeysan Ay Gaareen