Xagee Loo Jiheeyay Siyaasada Somaliland:- 3-Isgoys oo Kala Halis badan..

Somalia news

Dadka ku dhaqan Gobolada Waqooyiga ayaa ka wel welsan halka Kooxda heego u jiheyneysa Siyaasada degaanada, waxeyna qaarkood aaminsan yihiin in xiligaan ay maraysaa 3-isgoys oo kala khayar badan kuwaasoo u baahan in laga digtoonaado wada tashi laga qeyb geliyo Dadka Degaanka…

Nidaamka hadda degaanka ka dhisan oo ay hormuud ka yihiin qalfoofyada ka sii nool wixii beri loo aqoon jiray Calancas wax ay beri fog ku riyoodeen in ay Somaliland ka dhigaan maamul jabhadeed oo la nooc ah ta Afwerki ee Eritrea iyo tii TPLF ee Ethiopia, Sidaas bay ahayd weligeed xanta taalla marfashyada ay Calancastu ku qayisho.

Xiligaan Maamulka Muuse Biixi wuxuu Dagaal ku qaaday Magaalada Laas caanood, isagoo Dadka Degaanka ku qasbay iney guryahooda ka barakacaan magaaladana duqeyn aan loo meel dayin, ku darsoo wuxuu dagaal ku qaaday Beesha Garxajis, Maamulka ayaa haatan taagan 3-Isgoys io helis badan:-

-In kooxda Muuse Biixi uu isku dayo inuu ka adkaado qeybaha isbedel doonka ah bulshada ee iyadoo aan cidi abaabulin waqtigu dhalay.

-Nidaamka dhisan uu qarka u saaran yahay inuu burburo kadib markii Jufada Madaxweynaha ay isku koobtay talada degaanka.

-In Shacbiga Degaanka oo mideysani dagaal iyo nabad mid uun kaga adkaadaan Maamulkaan sheydaaniga ah, Dalkaan lagu soo dabaalo hanaankii heshiiska lagu ahaa ee Demuqraadiyada, ku dhaqanka Dastuurka iyo Doorashooyinka.

271890cookie-checkXagee Loo Jiheeyay Siyaasada Somaliland:- 3-Isgoys oo Kala Halis badan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com