Ma Dhabaa in Degaanada Puntland Haweenka Lagu Duudsiyo Ka Qeyb galka Siyaasada

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa muujinaaya in Maamulka Puntland oo 24-sano jirsaday ay weli doodi ja taagan tahay maqnanshaha Kaalinta Haweenka ee Maamulka, iyadoo u muuqata in hoos u dhac ku yimid Sanadihii ugu dambeeyay, waxaana lagu eedeeyay Maamuladii iskaga dambeeyay ineysan fiiro gaar ah u yeelan…

Baarlamaanka Puntland ayaa Xildhibaano ka ahaa sanadii 1998-dii 5-Xildhibaan, waxey sanadkaan heleen 2-Xildhibaan, Halka Golaha Wasiirada oo tirada guud ay tahay 54-xubnood 5-Xubnood ayeey Haweenku ku leeyihiin, iyadoo ay shaxdaasi ay ka muuqato sad-buursi halka Agaasimayaasha Guud oo tiradoodu dhan tahay 39 waxey Haweenku ku leeyihiin hal xubij, waana Agaasimaha guud ee Wasaarada Cadaalada.

Marka hoo loo dego Agaasimayaasha Waaxyaha ee Maamulka Puntland oo dhan 201-xubnood waxaa Haweenka saami ugu soo aaday 25-xibnood iyadoo 5 ka mid ah ay ka howlgalaan Wasaarada Haweenka, tiradaani waxey sii kordheysay walaaca laga qabo heerka fulitaanka siyaasadda iyo sheegashada maamulka iney kor u qaadeen heerka matalaada Haweenka.

Haatan waxa la is weydiinayaa wax ka dhan doona sheegashada iyo Ololaha Maamulka Puntland ee qabashada doorashada Qof iyo Cod, iyadoo taaso hadii lagu galo wacyi gelin la’aan, ay horseedi karto in Haweenku aysan taageerin Maamulka Dani oo ka gaabiyay inuu Xuquuqdooda rajada uu ka qabo dib u doorashadiisa.

229740cookie-checkMa Dhabaa in Degaanada Puntland Haweenka Lagu Duudsiyo Ka Qeyb galka Siyaasada