Magaalada Garoowe & Dhibaatada Amni ee Kooxaha Hubeysan ee Cabtooyda ku Hayaan…

Somalia news

Muddo dheer ayaa Shacbiga Magaalada Garoowe ay dhibaato amni ku qabeen koox Cabtooy ah oo hubeysan kuwaasoo Rasaas iyo dhac u geysta, iyadoo Maamulka Magaalada iyo kan Puntland lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen iney xakameeyaan kooxahaan oo ka tirsan Xoogaga Amaanka..

Guddiga Amniga Gobolka Nugaal ayaa soo saaray Amaro la xiriira Amniga Magaalada Garoowe laguna xakameynaayo dhibaatooyinka Mukhaadaraadka, Khamriga iyo Qaadka, waxeyna ku hanjabeen in Gurigii iyo Gaadiidkii lagu qabto la la wareegi doono, iyagoo ugu baaqay in Shacbiga magaalada iney Xoogaga Amniga kala shaqeeyaan hirgelinta Amarkaan.

Dhanka kale, Xoogaga Amaanka ayaa hawlgal ka sameeyeen Magaalada Garoowe waxay ku soo qabteen dhowr kartoon oo khamriga iyo Eedeysanayaashii ka ganacsanayey, iyagoo gacanta ku dhigay lix kartoon oo khamri ah, kadib markii ay heleen xogta Kartoonadaan oo ay ku qabteen mid ka mida Xaafadaha magaaladda oo xiligaas la geeyay.

Khamriga lagu farsameeyo oo tayadiisu hooseyso ayaa laga keenaa Dalka Ethiopia, iyadoo soo gelinta Kartoonadaasi ay fududeeyaan Xoogaga Amaanka ee ku sugan baraha Kontroolada ee Magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso, iyadoo falalka Dembiyada Dilalka, Kufsiga iyo Dhac ay sabab u yihiin Qulqulka Mandooriyayaasha, Khamriga iyo Qaadka.

330040cookie-checkMagaalada Garoowe & Dhibaatada Amni ee Kooxaha Hubeysan ee Cabtooyda ku Hayaan…