Agaasimaha Hey’addw NISA oo Safarkiisii ugu Horeeyay ku Tagaaya Degmada B/weyne oo Kooxo Jufadiisa ay Qabsadeen…

Somalia news

Macluumad dheeraad ah ayaa laga helayaa talaabadii ugu horeysay uu qaado Agaasimaha NISA Abdullaahi Sanbaloolshe kaasoo magacaabay Guddiga dibu habeynta Hay’adda Nabadsugida, waxaana guddigan oo ka kooban 3-Xubnood kuwaasoo la xaqiijiyay in todobaadkii 2-aad wadaan dibu habeynta shaqada Hay’adda iyo kala saarida dhamaan Shaqaalihii la qoray bilihii u dambeeyey…

Dib u habeynta ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay Hey’adda NISA ay dhaqaale xumo baahsan ay la degeen Howlaha loo igmaday inkastoo Agaasimihii hore uu ku guuleysto in Degmada Heliwaa dib ugu soo celiyo Gacanta Hey’adaha Amaanka, waxaase la sheegay in Kooxaha Shababka ay weli Saameyntooda ku leeyihiin Degmooyinka Yaaqshiid, Dayniile, Wadajir iyo Kaxda.

Wararka ayaa sheegaya in Agaasimaha NISA uu qorsheystay inuu safarkiisii u horeeyey ka bilaabo degaanada Beesha ka soo jeedo ee Baladweyne & Gobolka Hiiraan, iyadoo Kooxo Maleeshiyaad ah Jufadiisa ka soo jeeda ay Qabasadeen Xafiisyada Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamulka Hirshabelle, waxaana looga fadhiyaa inuu Maamulka Gobolka gacanta Dowlada ku soo celiyay, iyadoo ay ka mid aheyd Qodobadii loogu xushay Xilka Hey’adda NISA.

Guddigan la Magacaabay

-Gen.Bariise oo ka tirsan Xooga Dalka

-Col.Khaalid Sh Abdullahi, Taliyihii hore ee Nabadsugida Jubbaland

-Dr.Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo horey uga tirsanaa Xubnohii taageersanaa Maamulkii Farmaajo & Fahad ee NISA, balse xiligii Mahad Salad banaanka shaqada iskiis uga fadhiistay.

323290cookie-checkAgaasimaha Hey’addw NISA oo Safarkiisii ugu Horeeyay ku Tagaaya Degmada B/weyne oo Kooxo Jufadiisa ay Qabsadeen…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *