Wasiirka Warfaafinta Oo Mucaarad Xoogan Kala Kulmay Ku Hadlka Luqada Sawaaxiliga…

Africa News Somalia news

Inta badan Shacbiga Soomaaliyeed ayaa la yaabaay Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka, kadib markii todobaadkii hore uu ku hadlay Luqada Sawaaxiliga ku biirista ururka Bariga Afrika, iyadoo noqotay xubintii 8-aad ee Ururka, balse Soomaalidu waxay is weydiinayaan in tallaabadan ay dili karto Afka Qaranka ee Soomaaliga…

Inkastoo Ilaa hadda, suurtogalnimadaasi u muuqataa mid fog, balse go’aanka uu Wasiirku Saxaafada kula hadlay Sawaaxiliga ayaa Soomaali badan ka fal celiyee Kuna ka cambaareeyeen, iyadoo dadka qaarna ay ku eedeeyeen inuu sharciga ku tuntay, mid ka mid taageerayaasha Maamulka Xisbiga Talada haya oo lagu magacaabo Hodon Ali ayaa sheegtay “The official languages of Somali Government does NOT include Kiswahili (sic),” Ms Ali wrote on X (formerly Twitter).

Xiisadaani waxey bilaabatay kadib markii Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Soomaaliya, Daudi Aweis uu saxafiyiinta kula hadlay magaalada Caruusha ee Dalka Tanzania Sabtidii todobaadkii hore oo uu ka dhacayay Shir madaxeedkii 23-aad ee madaxda Ururka EAC, wuxuu (Wasiirku) si hufan uga hadlay muhiimadda ay leedahay ku biiritaanka Somalia, isagoo ku celceliyay farriintii uu ku sheegay English-ka-Sawaaxiliga.

290740cookie-checkWasiirka Warfaafinta Oo Mucaarad Xoogan Kala Kulmay Ku Hadlka Luqada Sawaaxiliga…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com