Maxaa Ka Run ah in Agaasimaha Sirdoonka NISA Lagu Eedeeyay Dhaca Deeq Waxbarasho

Somalia news

Macluumaad sirdoon ayaa muujinaaya in fadeexad ay todobaadkaan dul hoganeyso Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Somalia iyo Danjiraha Somalia ee Masar, kadib markii lagu wada eedeeyay iney ku tagri faleen deeq waxbarasho oo ay ugu deeqday Dowlada Egypt Ardayda Soomaaliyeed ee Safka hore ka galay Imtixaano tijaabo ah oo la qaaday…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Fadeexada boobka 25 ka mid ah 35-Deeqda Waxbarasho oo ay Dowlada Masar u fidisay Ardayda Soomaaliyeed, iyadoo lagu eedeeyay iney qeybsadeen isla markaasna iibsadeen Mas’uuliyinta kor ku xusan, Xiisadaani ayaa la sheegay iney Dowladda Masar aad uga xumaatay waxeyna ka dalbatay Somalia in laga qanciyo.

Wararka ayaa sheegay in Todobaadkaan ama kan xige uu Safar ku tegi doono Dalka Masar Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka Mr.Zamse Cabdi si uu raalin gelin hoose uga bixiyo falaadka ay ku kaceen Agaasimaha NISA & Danjiraha Somalia ee Masar Mr.Ilyaas Cumar, kuwaasoo iibsaday Deeqda, sidoo kale Waalidiinta Caruurtooda ku guuleysteen Imtixaanka Deeqda ayaa Dowladda Federaalka ka dalbadeen iney fasiraad ka bixiyaan Boobka Deeqda Waxbarasho.

234750cookie-checkMaxaa Ka Run ah in Agaasimaha Sirdoonka NISA Lagu Eedeeyay Dhaca Deeq Waxbarasho