Dagaal Mindhicireed hoose oo NISA & Maleeshiyaadka Shababka ka Qarxay gudaha Suuqa Bakaaraha

Somalia news

Todobaadkii ugu dambeeyay waxaa so hoose uga socday gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Mogadishu dagaal mindhicireed dhiig badan ku daatay, iyadoo durbadiiba laga qeyliyay dagaalkaan oo saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa suuqa iyo Ganacsato, Gadisley iyo Dadka Rayidka..

Wararka ayaa sheegay in Xoogaga Hubeysan ee NISA ay xakameeyeen isku socodka iyo Dukaameysiga qeybaha Dabaqa Somtel, Hoteelka Waaheen ama daarta Sportsmans, Qeybta Bagaashka, Daawada wadada suuqa Sarifka, iyadoo qeybahaan ay noqdeen meel cabsi badan.

Kooxda Shababka ayaa Sabtigii tagtay ku dilay Gudaha suuqa 3-Askari oo ka tirsan NISA kuwaasoo ku raad joogay sida la sheegay tiro Ganacsato ah oo Lacago cash ah u waday Kooxda Shababka, Dadka ganacsiga ku leh Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay inay wel wel ka qabaan howlgalkaan oo cuuryaamiyey maalmihii u dambeeyay maadaama dhaqdhaqaaqa la xakameeyay meelaha ay ku ganacsadaan.

Wararka ayaa sheegay in agagaarka Masjidka Abaa hureyra ka fuliyeen howlgal waxaana la ogeyn dadka ay qabteen iney sii daayeen iyo inay kaxeysteen, waxaase xaqiiq ah in tiro badan oo dad la tuhmaayo la qabtay kuwaasoo lagu xiray xabsiyo dhowr ah oo ku yaal gudaha magaalada Mogadishu.

226710cookie-checkDagaal Mindhicireed hoose oo NISA & Maleeshiyaadka Shababka ka Qarxay gudaha Suuqa Bakaaraha
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com