Malaysia Oo Sharci Ku Soo Rogtay Duubista Muuqaalada

Somalia news

Qeylo-dhaan xoogan ayaa kasoo baxaysa shacabka Malaysia kadib markii dowladaasi ay soo rogtay in qofkii duubaya filim laga rabo inuu heysto Shati, xataa haduu filimkaasi ku baahinayo Baraha Bulshada ee gaarka loo leeyahay.

Wasiirka Warfaafinta Malaysia Saifuddin Abdulla ayaa xili uu ka jawaabayey su’aalo ay weydiiyeen xildhibaanada sheegay in sharcigan oo markii hore lasoo saaray sanadkii 1981kii uu qeexayo in qof walba oo filim duubayo haduu ka socdo Warbaahin ama qof si gaar ah ugu baahinaya Baraha Bulshada laga rabo marka hore inuu heysto Shatiga Dowlada Bixiso.

Arrintan ayaa keentay in shacabka dalkaasi si adag u cambaareeyaan go’aanka Wasaarada.

Waxay dhacdadani kusoo beegmaysaa xili dowlada Malaysia ay waji gabax kala kulantay Barnaamij Telefishinka Aljazeera ka diyaariyey cadaadiska dowladaasi saartay shaqaalaha dan yarta ah ee ajnabiga ah ee wadankaasi ka shaqeeya iyo kuwa qaxootiga ah xili uu socdo la dagaalanka cudurka Covid19.

Wasiir Saifuddin oo weerar ku ah telefishinka Aljazeera gaar ahaan Barnaamijka 101 East ayaa ku dooday in aysan heysan wax shati ah xiligii ay duubeen barnaamijkaasi ay dowlada Malaysia dhibsatay.

Balse Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay inay barnaamijka 101 East uu yahay barnaamij war ah oo todobaad walba baxa oo uusan ahayn Filim.

Xildhibaanada Malaysia ayaa shalay oo Khamiis ah Wasiirka Warfaafinta su’aalo ka weydiiyey sharcigan bal inuu qeexo cida shatiga u baahan.

49880cookie-checkMalaysia Oo Sharci Ku Soo Rogtay Duubista Muuqaalada