Tirada Bukaanada Dhimirka Oo Korartay Somalia

Somalia news

Inta Badan Degaanada Dalka Oo aad looga Isticmaali jiray Cunista Qaadka ka hor inta aan la joojin Keenistiisa, sababo la xiriira Cudurka Caabuqa ee Covid-19, ayaa waxaa soo shaac baxaaya warbixino la xiriira iney aad u soo kordhayaan Bukaanada Cudurka Dhimirka qaba….

Guud ahaan Dalka Somalia Oo aad looga isticmaalo cunista Qaadka, iyadoo laga keeno Dalalka Kenya iyo Ethiopia, isla markaasna Dhaqaale badan lagu soo iibiyo ayaa Maalmahaan dambe Waxaa aad u soo kordhaayay Bukaanada uu soo rito Cudurka Dhimirka, iyadoo aysan jirin wac talabaado ah oo Dowlada Federaalka iyo Maamulada Gobolada ay ugu talo galeen wax ka qabaahada Cafimaadka Muwaadiniinta.

Magaalada Muqdisho ayaa Bukaanada lagu magacaabo Shariif Axmed Oo 22-sano jir isku dayay inuu dhibaateeyo ehelkiisa iyo deriska, kadib markii uu ku dhacay Cudurka Dhimirka, Waxeyna sheegeen in Mr.Shariif uu ku bilaabay cunista Qaadka 15-sano jir, isagoo haatan lagu xanaaneynaayo Goobaha Caafimaadka ee Bukaanada Dhimirka.

Dr.Cabdirashiid Cabdulahi Oo Dhimirka qaabilsan ayaa sheegay iney aad u soo kordhayaan Bukaanada Cudurka Dhimirka uu soo rito, wuxuuna sheegay in marka Bukaanada ay muddo aysan seexan ay horseedi karto in Maskaxda ay shaqadeedii gabto, isla markaasna la waayo mandooriyihii lagu maaweelin jiray ay horseedi karto inuu Bukaanku isku buuqo.

Dhaqtarka ayaa sheegay in kala bar Bukaanada cusub ee la keeno Isbitaalka ay u badan yihiin kuwo Qaadka cuni jiray, wuxuuna intaasi raaciyay in xiligaan ay daaweeyaan ku dhowaad 60-Bukaan Oo 30-ka mid ahi ay yihiin Bukaano Cuni jiray Qaadka, wuxuuna ugu baaqay Dowlada Federaalka iney gacan ka geysto sidii wac looga qaban lahaa Cunista Qaadka.

49910cookie-checkTirada Bukaanada Dhimirka Oo Korartay Somalia