Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Jufo Beesha Mareexaan ah muddo u xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq, iyadoo Maleeshiyaadkaan ay ku andacoonayaan iney dhaqaale uu geliyay Ganacsade jufada ka soo jeeda…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Maleeshiyaadka ay ku sababeeyeen xiranaanshaha Garoonka ulagu sheegay in Ganacsade ka dhashay Jufada Garoonka u dhaqaale geliyay, iyadoo balanqaad laga soo siiyay Villa Somalia iney bixin doonto dhaqaalaha ku baxa Balse uu geeriyooday iyadoon la siin Qarashkii uu galiyey Dhismaha Garoonka.
Waxaana la sheegay in xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay Magaalada Cabudwaaq, inkastoo dadaalo gaabis ah ay wadaan Odayaasha Dhaqanka, kuwaasoo la xiriiray Madaxtooyada Villa Somalia si loo weydiisto iney ugu yaraan bixiyaan dhaqaale hormaris ah oo la siiyo Maleeshiyaadka heysta Garoonka diyaaradaha, Shacabka Caabudwaaq muddada Garoonku Xiran yahay waxey diyaaradaha ka raacayaan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado