Abaandulihii Xoogaga Hubeysan ee Maamulka Hargeysa oo u Goostay Gobolka Sool..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Baxsad uu fuliyay Abaandulihii Xoogaga Amaanka Maamulka Somaliland, kaasoo ka soo jeeda Gobolka Sool, kadib markii uu dagaal muddo bilood ah u dhaxeeya kaasoo geeystay khasaare isugu jira dhimasho iyo Burbur hantiyeed iyo Barakac…

Sarkalkaan ayaa magaciisa lagu sheegay Saleymaan Barre Geesood oo ay wehliyaan Ilaaladiisa gaarka ah ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Laas caanood, Sarkalkaan ayaa si qarsoodi ah maalintii Sabtidii soo gaaray magaalada Buuhoodle, wuxuuna ku fasiray Go’aankiisa “Si uu ula dareen noqdo Dadkiisa iyo Degaankiisa”.

Horey waxaa magaalada Laas caanood horey ugu sugnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo tiro xubno kale kuwaasoo badankooda ku dhawaaqay isaga baxeen Maamulka Muuse Biixi (Somaliland), Dagaalka Laas caanood ayaa weli socoda geystay dhibaato xoogan waxeyna usku horfadhiyaan duleedka magaalada Laas caanood, xili Isimada iyo Waxgaradka degaanka ka soo jeeda ay ku sugan yihiin magaalada Mogadishu.

Ergadaan ayaa kulamo kula yeeshay Madaxda Dowladda Federaalka Caasimada Mogadishu, hase yeeshee ilaa wakgtigaan xaadirka ah Dadweynaha looma soo bandhingin natiijada Wada xaajoodka, inkastoo warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha Djibouti uu culeys ku saaray Maamulka Villa Somalia in Odayaasha ay tagaan Dalkaasi.

259320cookie-checkAbaandulihii Xoogaga Hubeysan ee Maamulka Hargeysa oo u Goostay Gobolka Sool..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com