Maleeshiyaad Oromo Ka Soo Jeeda Oo Soomaali Ku Laayay Ethiopia

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro Maleeyshiyaadka Oromada hubeysan ayaa habeen hore waxey weerar bahalniimo ka fuliyeen degaano hoos tags Gobolka Faafan ee Kilinka Soomaalida Ethiopia sida ay dadka degaanka sheegeen…

Wararka ayaa sheegay in Gaari noociisu yahay “Bus” ayaa fiidkii habeen hore qiyaastii salada maqrib kadib kasoo baxay caasimada Jigjiga isago ku wajahan degmada Tuliguuleed oo 25 kilomitir u jirto caasimada Jigjiga, Dabley ayaa jidka u gashay Bus-kaan, waxeyna rasaas la beegsadeen Gaariga, iyadoo hal Qof oo rakaabka ka mid ah uu ku geeriyooday 4-kale ay ku dhaawacmeen.

Ma ahan markii u horeeysay ay Maleeyshiyaadka Oromada ay fuliyan weerar bahalniimo oo noocaan ah ay la beegsadan Dadka Rayidka ah, waxayna u muqaato in ay cadowga Oromada wali wadaan hamigooda ku sabsan dhuul boobka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyed.

129000cookie-checkMaleeshiyaad Oromo Ka Soo Jeeda Oo Soomaali Ku Laayay Ethiopia