Xuquuqda Aadanaha Ee Muwaadiniinta Oo ilaa Hadda Xal loo la’yahay

Somalia news

Inkastoo shalay laga xusay Caasimada Maalinta Xuquuqda Aadanaha oo xitaa ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, haddana waddo dheer ayaa u dhiman Dowladda Federaalka ka dhabeyso hadalada quruxda badan oo Fagaarayaasha ay ka sheegaan, waxaana weli jira xadgudubyo lagu sameeyo Muwaadiniinta…

Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka oo ka hadlay Munaasabad lagu xusaayay maalinta Xuquuqda aadanaha Aduunka, ayaa sheegay in Ilaalinta Xuquuqda Muwaadinka ay tahay Waajibaad Diini ah oo aysan aheyn arrin ku timaada xulasho, balse marka laga tago Xafaladaha iyo Hadalada Xukuumada waxaa weli jira Eedeymo iyo dhaliilo muuqda oo aan la iska indha tiri karin gaar ahaan arrimaha la xiriira Xuquuqda Hadalka.

Qodobada sida Dowlada Federaalka uga gaabisay ayaa waxaa ugu horeeya ineysan weli dhisin Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee heer Qaran ku darsoo lama ansixin Sharciga Xuquuqda Aadanaha, Guddigaan ayaa noqonaaya mid ka madax banaan, isla markaasna kaabaya guddiga adeega Garsoorka, kaasoo Gudoomiyaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha uu xubin ka noqonaayo.

Kulan dhawaan ka dhacay magaalada Geneva oo looga hadlay arrimaha Xuquuqda aadanaha ayeey Qaramada Midoobay ku sheegtay iney jiraan dib u dhacyo iyo Gefef joogto ah oo Saraakiisha Amaanka Dowladda Federaalka geystaan, qodobada la iftiimitay ayaa waxaa lagu xusay in Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed uusan qeexeynin arrimaha la xiriira jirdilka taasoo Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Sirdoonka iyo Boliiska ay sidii ay doonaan ula dhaqmaan Muwaadiniinta Soomaaliyees,

230520cookie-checkXuquuqda Aadanaha Ee Muwaadiniinta Oo ilaa Hadda Xal loo la’yahay