Maleeshiyaadka Daacishta Somalia Oo Weerar ku Qaaday Xoogaga Puntland..

Security Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa weerar gaadmo ay oo tiro maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Daacishta Somalia ky qaadeen Qeybo ka tirsan Xoogaga Amaanka Puntland kuwaasoo Fariisimo ku lahaa Buurta Xaawbley ee Gobolka Bari, waxaana ka dhashay khasaare…

Weerarkan oo si gaar ah uga dhacay Degaanka Dhaban-qooxle ee buuraha Xabley, ayaa bilaabmay kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ay weerareen saldhig ay ku sugnaayeen cutubyo ka tirsan Xoogaga Amaanka Masmulka Puntland, waxaana ku dhintay Hal Adkari iyo 6-Kale ay dhaawacyo kala heer ah soo gaareen Askarta fariisinkasi ku sugneyd.

Todobaadyadii ugu dambeeyay, Xoogaga Amaanka Maamulka Puntland ayaa la kulmayay weeraro ku dhufo ah oo kaga imaanayay maleeshiyaadka kooxda Daacish, kuwaasoo weli ku dhuumaalaysanaya buuraha Calmiskaad, dhawaan ayeey qaraxyo miino ayeey Maleeshiyaadka Daacish la eegteen gaari kuwa gargaarka degdega iyo mid kaloo ay wateen Puntland.

Khubarada Arrimaha Amaanka ayaa saluugay Howlgalada heerkoodu iyo tayadoodu hooseyso ee Maamulka Deni uu dejiyay, iyadoo uu Maamulku ku dhawaaqay in la soo af jaraayo wajiga 3-aad dhawaan inkastoo aysan weli ciidamadu ku guulaysan inay gaaraan Fariisimada ay Horgalada Kooxda Daacish isku urursadeen.

365250cookie-checkMaleeshiyaadka Daacishta Somalia Oo Weerar ku Qaaday Xoogaga Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *