Dayaca Caafimaad Ee Isbitaalka Martiini & Qorshe La’aanta Dowladda

Somalia news

Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa si weyn loo dhaliilayay adeegga caafimaadeed, ee uu bixiyo Isbitaal Martini ee Magaalada Muqdisho, xilli isbitaalkan uu yahay kan ugu weyn ee dowladdu u asteysay in lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka COVID-19….

Warbixino ayaa tilmaamaya in Isbitaalkan Martiini tan iyo bishii February xanuunka ugu geeriyooday in ka badan 100 qof, kuwaasoo qeybo kala duwan o magaalada ah laga kala keenay, markii uu xanuunka soo ritay. Ehelada dadkaasi qaarkood oo dad danyar ah waxay sheegeen in Oxygen la’aan ugu geeriyoodeen isbitaalkaasi.

Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda xil gaarsiinta, Cismaan Abokar Dubbe oo wax laga weydiiyay qorshaha dowladda ugu yaal habaca ka jira Isbitaal Martini ayaa qiray in culeyska ugu weyn uu ka jiro dhanka Oxygen-ka, balse ay ku tala jiraan sidii dalka loo keeni lahaa mashiinada naqaska sameeya.

Hey’adda Hormuud Salaam Foundation waxa ay Wasaarada Caafimaadka ku wareejisay 1,500 (kun iyo shan boqol) oo haamood oo Oksajiin kuwaasoo loogu talagalay in lagula tacaalo bukaanada uu soo ritay cudur karoon virus, Hay’adda Hormuud Salaam Bank Foundation ayaa tan iyo markii uu dalka soo galay COVID-19 ilaa iyo hada door muuqda ka qaadanaysay wacyi galinta, ka hortaga iyo  la dagaalanka Cudurka.

99160cookie-checkDayaca Caafimaad Ee Isbitaalka Martiini & Qorshe La’aanta Dowladda