Hey’adda IMO oo Somalia ka Taageereysa Dhibaatada Fatahaadaha..

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa, go’aan Hey’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ay soo saartay kuna sheegtay inay diyaar u tahay inay Dowlada Federaalka ka taageerto wax ka qabashada fatahaadaha ka hor intaysan dalka ka dhicin “super El Nino”..

Hey’adda IOM, waxa ay hadda kooxo geynaysa garoonka diyaaraha, waxana ay isku diyaarinaysaa iney gargaar deg deg ah gaarsiiso dalka oo dhan, waxana howlahaan la bilaabi doonaa todobaadyada soo socda si loogu diyaar garoobo fatahaadaha iyo wax ka qabashada fatahaadaha” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Dhawaaqaan ayaa la sii daayay kadib markii Agaasimaha Guud ee Hey’adda IOM Amy Pope oo  booqasho ay ku timid Somalia Talaadadii kadib markii ay la wareegtay hogaanka Hay’adda 1-dii October, Pope-ka ayaa sheegtay in booqashadeeda ay salka ku heyso tahay sidii IOM ay u sii wadi lahayd taageerada ay siiso dowladda Federaalka si wax looga qabto caqabadaha ka dhashay abaaraha, fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee cimilada.

282870cookie-checkHey’adda IMO oo Somalia ka Taageereysa Dhibaatada Fatahaadaha..