Share the post "Maleeshiyo Beeleed Hubeysan Oo Weerar ku Qaaday Xabsiga Gaalkacyo.."
Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntland ayaa sheegaya in Maleeshiyo Beeleed hubeysan saaka ay weerar ku qaadeen xabsiga weyn ee magaalada kaasoo ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac..
Wararka ayaa sheegaaya in ugu yaraan hal Qof uu ku dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen iska hor-imaad xoogan oo dhexmaray ciidanka Ilaalada xabsiga Gaalkacyo iyo Maleeshiyo beeleedka weerarka soo qaaday sida ay wararku xaqiijinayaan.
Maleeshiyaadka hubaysan ayaa la sheegay iney ka caroodeen Shaqsiyaad ka tirsan beeshooda oo dhawaan Maxkamadda ciidanka Puntland xukun ku riday, iyagoo lagu eedeeyay iney dileen Ganacsade, ayaa lagu soo waramayaa iney weerareen xabsiga ee Waqooyiga Gaalkacyo.