ATMIS oo soo Bandhigtsy Natiijadii Baarista Qarax la la Eegtay..

Africa News Somalia news

Guddi baariseed oo Hogaanka ATMIS u xil saaray Baarista iyo ka gungaarida qarax la la eegtay 3-dii April ee Sanadkaan agagaarka isgoyska KM-4 ayaa soo bandhigay gunaanadka Baarista, iyagoo meesha ka saaray in qaraxaasi uu ka dhashay dab ka kacay gaarigooda oo siday Sahay…

Taliye ku simaha Howlgalka Ciidamada ATMIS Gen.Marius Ngendabank oo warbaahinta ku hadlay xaruntooda Xalane maanta ayaa sheegay “Qaraxa Gaarigeeda Sahayda sida lagula eegtay Isgosyks KM-4 ma aheyn dab ka kacay Gaariga balse wuxuu ahaa fal dambiyeed oo ay geysteen kooxo Argagixiso ah”.

Iyadoo dhawaan kooxda argagixisada Daacishta Somalia oo fadhigoodu yahay Buuraha Cal-miskeed ee Degaanada Puntkand ayaa maalmo ka hor sheegtay, iyagoo ku faafiyay cinwaada ay ku leeyihiin baraha bulshada, waxeyna sheegeen in qaraxaasi ahaa miino nooca soo boodada ah oo wadada hareeraheeda ku aaseen.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in dabayaaqada Bisha Juun ee Sanadkaan ay Dalka ka baxaan 2000 oo Askari kana tirsan Ciidamada ATMIS, kuwaasoo laga soo kala xuli doono Sekterada Ciidamada ATMIS, iyadoo lagu wado iney ka hayamaan Ciidamada ATMIS dhamaantood bisha Decembar 2024-ta.

254600cookie-checkATMIS oo soo Bandhigtsy Natiijadii Baarista Qarax la la Eegtay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com