Amaro Adag Oo lagu Soo Rogay Dadka Rayidka & Ciidamada ee Degmada Xaradheere

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa amaro ay ku soo rogeen Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ka howl gasha, Amarkaan ayaa ah bandow la xiriira Dhaqdhaqaaqa Dadka ee Degmada Xarardheere ee Dobolka Mudug…

Wararka ayaa sheegay in kadib kulan ay yeesheen Saraakiisha Amniga ayaa lagu dhawaaqay in habeenkii laga bilaabo lixda maqribnimo ilaa Waaberiga la joojiyay dhammaan isku socodka iyo dhaqdhaqaaqyada bulshada, Ciidamada ku sugan gudaha magaalada ayaa lagu amray inay ka baxaan oo ay ku laabtaan taliskooda marka laga reebo kuwa amniga sugaya.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa ku amray Dadka kusoo laabanaya magaalada Xarardheere ee horey Shabaab u raacay inay iska soo diiwaan geliyaan Saldhigga Boliiska si baaritaan amni loo marsiiyo, Tallaabooyinkan ayaa la sheegay in loo qaaday in la adkeeyo amniga magaalada Xarardheere oo dhawaan laga saaray kooxda Argagixisada Shababka.

242940cookie-checkAmaro Adag Oo lagu Soo Rogay Dadka Rayidka & Ciidamada ee Degmada Xaradheere
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com