Maqaalka Caafimaadka:- Noocyada Madax-Xanuunka & Calaamadaha lagu Garto…

Health Somalia news

Madax xanuunku waxa uu saameeya ku dhowaad kala bar dadka dunida ku nool, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah cilladaha ugu badan ee ku dhaca habdhiska neerfaha, meelaha khaaska ah ee uu madax xanuunku ku dhaco waxaa ka mid ah, qeybta hore ee madaxa, dhafoorrada iyo qeybta gadaale ee luqunta ama qoorta, Cudurkaan wuxuu badanaa qofka hayn karaa 30 daqiiqo ilaa hal toddobaad…

Sababo kala duwan ayaa keeni kara madax xanuunka, waxaana ka mid cunnooyinka qaar, heerka biyaha ee jirka, bii’ada uu qofku ku shaqaynayo iyo caafimaadka guud ee Qofka, Madax xanuunku waxa uu saamayn karaa howl-maalmeedka qofka, Badankeennu, madax xanuunka mararka qaar nala soo dersa wax wayn kama soo qaadno, si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in Bukaanku uu madax xanuunkiisa u raadsado talo caafimaad, inuu joogteeyo hab nololeed caafimaad leh, inuu ku dedaalo cunnooyinka caafimaadka uroon iyo jimicsiga.

Noocyada madax xanuunka:

1. Madax Xanuunka Dhafoorka iyo Qadaadka ((Tension Headaches):

Nooca ugu badan ee madax xanuunka waxaa layiraahdaa “tension headaches” waa nooc ka mid ah madax xanuunka oo ku dhaca qeybta gadaale ee madaxa waxaana sababa shaqada badan iyo cadaadiska badan.

Madax xanuunkan waxaa badanaa kiciya stress-ka. Khubarada caafimaadku waxa ay sheegaan in madax xanuunkan uu xiriir la leeyahay walwalka iyo stress-ka, kuwaas oo keenta in murqaha qoorta iyo madax ay guntamaan, Cabista shaaha sinjibiisha leh ayaa caawisa maaraynta madax xanuunkan.

Cluster headaches: 

Waa dareen gubasho iyo xanuun daran oo qofku ka dareemo aagga ama gadaasha hal il ama wajiga hal dhinac. calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah sanka oo biyo ka yimaadaan, indhaha oo biyo ka yimaadaan iyo sanqada oo xirmata. Waxa uu qofka uu qabtaa si daba joog ah, isagoo qofka hayn kara 15 daqiiqo illaa 3 saacadood.

Xaaladaha qaar, madax xanuunkan, waxa uu keeni karaa barar, casaan ama dhidid lagu arko dhinaca uu saameeyo. Madax Xanuunkan ragga ayaa kaga dumarka.

Madax xanuunkan waxaa lagu maarayn karaa in la seexdo hurdo hal saac ah, cabista biyaha iyo in cunista cunnooyinka hodanka ku ah ah macdanta magnesium.

3. Madax Xanuunka Sanqaroorka (Sinus Headaches):

Madax xanuunka sanqaroorku wuxuu sababaa xanuun madaxa iyo wajiga ah. Xanuunku wuxuu ugu sii daran yahay marka horay loo foorarsado iyo marka ugu horraysa ee subaxdii la kacayo. Waxaa badanaa lagu qaldaa goonjabka calaamadahiisa waxaa ka mid ah qandho, qufac, cabur iyo indhaha biyo ka yimaadaan.

Xasaasiyadda iyo infection ka ayaa ah waxa u badan ee keena madax xanuunkan. Qofka aan cabbin biyo ku filan ayaa kicin karta madax xanuunka sanqaroorka.

Hurka sanqaroorka waxaa lagu yarayn karaa cabista biyaha iyo shaaha. Sida oo kale, waxaad calaalin karaa sinjibiil qoyan, maadaama ay leedahay awood hur-bi’iye iyo xanuun baabi’iye.

4. Madax xanuunka Hormoonka:

Noocaan, 60% waxa uu ku dhacaa haweenka. Madax xanuunka hormoonka waxaa lala xiriiriyaa caadada, dawooyinka uurka looga hortago iyo uurka kuwaas oo dhammaan keena isbedellada hormoonnada. Hormoonka oestrogen oo hoos u dhaca wax yar ka hor cadaadaada ayaa kugu keeni karta madax xanuunkan.

5. Goonjabka Ama Dhanjafka (Migrain):

Goonjabku ama dhanjafku wuu ka yara duwanyahay madax xanuunka caadiga ah wuxuuna leeyahay xanuun saaid ah iyo cadaadis madaxa ka fuula qofka bukaanka ah.

Talo:

Maadaama goonjabku uu yahay xanuun saamayn wayn ku yeesha nolosha qofka bukaanka ah waxaan kula talinaynaa dadka qaba xanuunka inay ilaaliyaan xiliyada hurdada.

Hurdada oo kaa yaraata ama xiliyada hurdada oo aad isku khaladid waxay sababi kartaa goonjab ama dhanjaf waxay ka sii dari kartaa xaalada aad horay ugu jirtay. Fadlan isku day inaad hesho hurdo kugu filan.

349920cookie-checkMaqaalka Caafimaadka:- Noocyada Madax-Xanuunka & Calaamadaha lagu Garto…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *