Costa Rica oo qabatay nin looga Shakisan yahay inuu Xubin ka yahay kooxda Shababka..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka ee Dalka Costa Rica kuwaasoo sheegay inay gacanta ku dhigtay nin looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay kooxda Argagixisada Shabaabka, kaasoo magaciisa lagu sheegay Cali Cabdinuur Axmed…

Eedeysanaha oo la xiray 30-kii bishii tagtay, ayaa la sheegay inuu ku sugnaa agagaarka xarunta daryeelka ku meel gaarka ah ee dadka soo galootiga ah (CATEM) ee aagga koonfureed ee dalka Costa Rica, oo qiyaastii 10-km u jirta xuduudda Dalka Panama.

Mas’uuliyiinta Costa Rica ayaa sheegay in ay digniin caalami ah ka heleen Xafiiska Baarista Federaalka ee Mareykanka (FBI) ee Mareykanka, sida uu sheegay Wasiirka Amniga Mario Zamora, “Ninkan waxaa si caalami ah loogu raadinayaa kamid ahaanshihiisa kooxaha argagixisada,” ayuu yiri Zamora.

Dowladda Costa Rica ayaa sheegtay, in Cali Cabdinuur Axmed loo wareejiyay magaalada San José “isagoo la marsiin doono nidaam masaafurin ah, Ninkaan ayaa lagu tuhunsan yahay inuu kamid ahaa boqolaal muhaajiriin ah oo ka yimid Panama, kuna sii jeeday dalka Mareykanka.

292200cookie-checkCosta Rica oo qabatay nin looga Shakisan yahay inuu Xubin ka yahay kooxda Shababka..