Wasiiradii Beelaha Hawiye Oo Howlgab Laga Dhigay

Somalia news

Macluumaad ayaa laga soo sheegaya in Wasiiradii Dowlada Federaalka Ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Howlgab la geliyay, iyadoo lagu Bedelay Wasiir ka soo jeeda Beesha Isaaq iyo La-Taliyaha Mr.Farmaajo xagga Amaanka, kuwaasoo la wareegay Howlaha Shirka Dhuusa mareeb-3…

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com u xaqiijiyay in Shirka Dhuusa mareeb-3 ay kor ka hagaan Mr.Mahdi Guuleed kusimaha Wasiirka 1-aad iyo Adeege Fahad Yasin, iyadoo howlaha Socodsiitooda uu la wareegay Kusimaha Wasiirka Dastuurka oo ka soo jeeda Beesha Isaaq, talaabadaan ayaa fajac iyo dhabano heys ku noqotay Shacbiga Magaalada Dhuusa mareeb.

Mr.Farmaajo, wuxuu si aan gabasho lahayn dagaal siyaasadeed iyo mid Beel beegsi ahba kula kacay madaxda ka soo jeeda beesha Hawiye. Dagaalka Farmaajo ayaa u muuqda inuu yahay mid aar-goosi iyo cuqdad salka ku haya, waana taladii Adeerkiis Afweyne ee uu ka dhaxlay, isagoo xiligaan isku ah Madaxweyne iyo Wasiirka 1-aad.

Prof.Kabire ayaa sheegay “Adeer shaqsiyaad aan guryahooda ka soo bixi karin marka ay  joogaan  Muqdishu, meeshii ay ka soo jeedeen  ee ahayd Somaliland aan tagi karin, ayaa la yiri go’aamiya mustaqbalka Somalia, waxaan shaki iiga jirin in falkaan Farmaajo ka shalayn doono, waa hadii aan aqaano reer Galmudug ”.

55360cookie-checkWasiiradii Beelaha Hawiye Oo Howlgab Laga Dhigay