Kooxda Shabaabka Oo Weerar Gaadmo ah Ku Qaaday Qalimow

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano hoose taga Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya Saakay aroortii hore Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada Shabaab ayaa weerar ku qaadeen degaanka Qalimow oo waqooyi ka xiga degmada Balcad ee gobolkaasi…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in weerarka, kadib uu xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa halkaasi, Kooxda Shabaabka oo ka hadashay dagaalkaasi ayaa guulo ka sheegatay, waxaana ay shaacisay inay la wareegtay gabi ahaan gacan ku heynta deegaankaasi oo muhiim u ah isku socda magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Khasaare ayaa la sheegay in ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda lagu dilay Weerarkaan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

161390cookie-checkKooxda Shabaabka Oo Weerar Gaadmo ah Ku Qaaday Qalimow