Share the post "Maqaalka:-Xanuunka Dhimirka ee Qofku Isku Maleeyo inuu Dadka Ka Sareeyo.."
Qabka iyo in Qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha, Waa shaqsiga garta wuxuu ku fiican yahay iyo dhinacyada uu ku liito, si uu fursad ugu helo inuu ka faa’ideeyo waxa uu ku fiican yahay, isla markaana raadiyo inuu kabo ama buuxiyo dhaliilaha uu leeyahay..
Laakiin waa mindi laba af leh, samaanteeda waxaa hareer taalla khatar ah in Qofka ay ku abuurto ‘isku kalsooni ku talaxtag ah iyo kibir uu Dadka kale iska sarraysiiyo’, Waa qofka oo kartidiisa iyo sarrayntiisa ka qaato faham iyo aragti aad uga sarraysa inta ay run ahaan tahay, guulaha uu gaadhaana ay la yeelanayaan weyni ka badan inta ay u qalmaan.
Xaaladdani waxa ay qofka ku hoggaamisaa xanuun nafsadeed, khatar geliya naftiisa iyo xaaladdiisa bulsho labadaba, Waxaa afka cilminafsiga lagu yidhaahdaa, “Delusions of grandeur’, Waa xaalad caafimaad darro dhimirka ah oo uu qofku is moodsiinayo in uu leeyahay awoodo, xurmo, karti, aqoon, maaliyad ama sarrayn uu dheer yahay Dadka kale ee ku xeeran, Sidaas awgeed uu ka filayo in ay u muujiyaan ka helitaan, weynayn, xurmayn iyo in ay isaga mudnaanta siiyaan.
Calaamadaha xaaladan:
-Aaminsanaan Qaldan oo ku keena go’aamo iyo aragtiyo la yaab ku noqda dadka ku xeeran, ama ay u arkaan wax aan suurtageli karin.
-Shaki Iyo Kalsooni Darro
-Feejignaan ku talaxtag ah oo uu kula socdo wax kasta oo hareerihiisa ka socda, isaga oo doonaya in uu iska jiro khatar uu moodayo in ay kaga imanayso dadka ku xeeran.
-Gardarro iyo cadaawad ka imanaysa difaaca uu mar kasta iskaga ilaalinayo weerarka uu is moodsiinayo in uu ku soo maqanyahay.
-Is faquuq ka imanaya cabsida iyo shakiga uu qabo, waxa uu dib uga gurtaa ama marka horeba ka dheeraado mawaaqifta bulsho ee horyaalla, ama waxaabu ka fogaada inuu dadka dhexgalo.
-Bootin iyo in uu wax kasta ka gubto, isaga oo cadho iyo dagaal kaga jawaabaya arrimo aan mudnayn in uu dareenkaas siiyo.
-Is moodsiis uu aaminayo inay cidi ku dabajirto, cadaadis iyo cidhiidhi ku hayso, ama khiyaamaynayso, iyo inuu dhibbane u yahay mu’aamarado.