Qatar Iyo Xulafadeeda Oo Wada Qorshayaal Gurcan Oo Laga Digay

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay Saraakiil ku dhow Xafiisyada Madaxtooyada ayaa sheegay in Saraakiisha sirdoonka dalka Qatar, Farmaajo, Fahad, Qorqor iyo Rooble ay wada maleegeen qorshe halis ku ah Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Midowga Musharixiinta isla markaasna ay ku xajiiniyanayaan sidii looga dhaadhicin lahaa in Khilaaf uu ka dhex oogan yahay Farmaajo iyo Rooble….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Wajiga hore ee qidada ay salka ku heyso in la muujiyo Khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya Farmaajo & Rooble si loo dhiso kalsoonida mucaaradka ku qabaan Rooble, Wajiga 2-aad ayaa ah in xilka qaadis sharci daro lagu sameeyo Wasiirka 1-aad Rooble si halkaas uga dhashaan isku dhac ciidan halka Mucaaradka uu hoggaaminayo Raisal Wasaare Rooble & Farmaajo oo asna hoggaaminaayo dhinaca Dowladda.

Dowlada Qatar ayaa balanqaaday iney Wakiilada Beesha Caalamka ka iibiso in la dhiso Dowlad wadaag oo KMG ah si dalka looga badbaadiyo burbur, Hogaanka Mucaaradka lagu cadaadinayaa iney Talaabadaasi aqbalaan halka Farmaajana uu oggolaado qorshaha. Waana talaabada Dowlada Qatar ku riixday iney Ergay u soo dirto, iyadoo Danjiraheeda awooda lahaa ee Magalada Mogadishu ku sugnaa lagu Eedeeyay inuu dhinac la saftay 3-dii sano Ee u dambeysay.

Midowga Musharixiinta oo markaas hoggaaminaayo dhinacooda Mr.Rooble ayaa loo tanaasulayaa inu noqdo Raisal Wasaaraha dowlada cusub ee KMG ah maadama uu dartooda uga soo horjeestay Farmaajo iyo xulafadisa.

115910cookie-checkQatar Iyo Xulafadeeda Oo Wada Qorshayaal Gurcan Oo Laga Digay