Qatar Oo La Daalaa dhaceysa Dib u Doorashada Farmaajo Dhaqaale u hurtay

Somalia news

5-tii sano ee u dambeysay Dalka Qatar wuxuu Maamulka Fashilmay ee Farmaajo uu ahaa cudud dhaqaale iyo mid Dublamaasiyadeed, lana garab taagneyd intii uu Villa Somalia joogay, maadaama uu dagaal xooggan la galay inta badan dalalka Carbed ee Qatar ay isku hayaan siyaasadda Bariga Dhexe…

Dalka Qatar, waxay in muddo ah qeyb ka ahayd Dalalka fara gelinta & dhibaatada ku haya Arrimaha gudaha Somalia, iyadoo xilliyo kala duwan lagu eedeeyay fududeynta falal amni darro, sida qaraxyo ka dhacay caasimadda iyo weerarkii dekedda Boosaaso ee lala beegsaday DP WORLD, waxey maalgelisay Dhalinyaro loo qaaday Dalka Eritrea.

Sida xoguhu muujinayaan, Farmaajo, wuxuu safarkiisii u dambeeyay ee Dooxa ku gorgortamay sida uu (Adeege) daacadda ugu yahay dalka Qatar iyo inuu wali ka shaqayn doono, danaha dalkaasi haddii ay mar kale, ka caawiyaan doorashada, isla markaasna ay maamuli doonaan Siyaasada lagu hago Wasaarada Arrimaha Dibeda Somalia.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in Kooxda ololaha Farmaajo, ay ilaa hadda qarash gareeyeen ku dhawaad, 26-milyan oo US$, si ay u boobaan doorashooyinka Hirshabeele, Galmudug & Koonfur-galbeed, wuxuuna ku bixiyay 6-dii kursi ee ugu horreysay ee laga soo doortay Baladweyne lacag ka badan 4-milyan oo US$.


176150cookie-checkQatar Oo La Daalaa dhaceysa Dib u Doorashada Farmaajo Dhaqaale u hurtay