Mareykanka Oo Culeysyo Ku Saaray AU-da Iney Joojiyaan Heshiisyada Shirkadda Wagner

Africa News

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Culeysyo Siyaasadeed iyo mid dhaqaale ayaa la sheegey iney Dowladda Mareykanka ku saareen Hogaanka Howlgalada Ciidamada AU-da iney joojiyaan xiriirka wada shaqeyn ee ay la leeyihiin Shirkadda Wagner Group..

7-kii Sano Ee u dambeysa ayaa la sheegay in Hey’addaha Sirdoonada Mareykanka si dhow ula socdeen Howlgalada iyo Qandaraasyada amaan oo la siiyo Shirkadda Wagner Group oo laga leeyahay Dalka Russia, isla markaasna ka kooban Koox howlgab ka ah Ciidamada Russia qandaraasyana ka Qaatay Dalalka ay Dagaalada sokeeye naafeeyeen iyo Wadmada maamulkoodu jilicsan yahay, kuwaasoo isugu jira Diyaarado, Duuliyayaal iyo Ciidamo aad ugu tababaran.

Shirkadda Wagner Group & Saameynta Somalia:-

Shirkadda Wagner oo uu Madax ka yahay Mr.Yavgeni Prigozhin, USA ayaa ku eedeysay inuu aad ugu dhow yahay Madaxweynaha Russia, isagoo maamula dhamaan diyaaradaha u kireysan Howlgalada Au-da ee Dalalka Dagaalada ka socdaan, iyadoo uu Mareykanka uu saaray Cunaqabateyn, waxaana looga digay Dalalka Au-da iney xiriir la yeeshaan Shirkadaan oo ka howlgasha ilaa 10-dal oo Qaarada Afrika ku yaal.


131710cookie-checkMareykanka Oo Culeysyo Ku Saaray AU-da Iney Joojiyaan Heshiisyada Shirkadda Wagner