Mareykanka Oo Ku Canaantay Mr.Farmaajo Xil Ka Qaadista Taliye Urur

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Kulan shalay dhex maray Mr.Farmaajo iyo Saraakiil ka kala tirsan Wasaaradaha Arrimaha Dibada Difaaca iyo Taliska Dhexe ee USA, iyadoo kulankaasi diirada lagu saaray xil ka qaadis uu sameeyay Agaasimaga NISA Adeege Fahad Yasin,waxaana Su aalo laga weydiiyay sababta Sabata Xilka looga qaaday Taliyaha Ururka Danab…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay in Mr.Farmaajo uu qiray in Qalad farsamo uga qaadeen Xilka, iyadoo sarkaalkaan uu qaraabo hoose la yahay Ra’iisul wasaarihii hore Mr.Kheyre, waxaana la sheegay in Adeege Fahad Yasin uu ku lug yeeshay, isagoo doonayay inuu xilkaasi u magacaabo Xubin isaga daacad u ah oo sida la sheegay ka tirsanaan jiray Maleeshiyaadka kooxda Shababka haddana la shaqeeya Hey’adda NISA.

Saraakiisha Ciidamada USA ee ka howlgala dalka Somalia ayaa aad uga carooday in is-bedelka lagu sameeyo Taliska Ururka Ciidamada Danab, oo dhaqaale ahaan iyo Howlgal ahaan hoos taga Ciidamada Mareyanka, waxeyna ku tilmaameen xilka ka qaadistaasi mid sharci darro ah, iyagoo dalbaday in deg deg loo soo celiyo Taliyaha Danab ee Xilka ee xilka laga qaaday, isla markaasna aan lagu fara gelin maamulka iyo Howlgelinta Ciidamada Danab.

59910cookie-checkMareykanka Oo Ku Canaantay Mr.Farmaajo Xil Ka Qaadista Taliye Urur