Bataan Ay Soo Saareen Bahda Waxbarashada

Somalia news

Bahda Waxbarashada Dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa war Murtiyeed kasoo saaray shir u socday muddo seddex maalmood ah, waxaana ay sheegeen in ay ka xun yihiin tallabada ay qaadday Wasaaradda waxbarashada Maamulka Farmaajo ee ku aaddanayd qaabka ay u saxeen Imtixaankii Shahaadiga ahaa dugsiyada Sare ee Dalka….

War- murtiyeedka ayaa lagu sheegay in ay Bahda Waxbarashada Dugsiyada Gobolka Benadir aysan u dul qaadan doonin hadalada kasoo yeeraya Mas’uuliyiinta dowladda ee ku aaddan in Ardayda imtixaanaadka ku dhacday ay maandooriye isticmaalaan iyo iney Baraha bulshada ay ku mashquuleen taasoo keentay in ay ku dhacaan Imtixaanka dugsiga sare ee wasaaradda Waxbarashada.

Waxaa ay sheegeen Bahda Waxbarashada Dugsiyada Gobolka Banaadir in ay dhaliilsan yihiin Natiijada kasoo baxday Imtixaanka Dowladda, aysana u qalmin ardayda wax ka barata Gobolka Banaadir oo sida wasaaraddu sheegtay ah ardayda ugu badan ee ku dhacay Imtixaankii dhawaan la shaciyay.

Qodobada kasoo baxay war-murtiyeedka ayaa ahaa:

-In Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo uu soo faragaliyo arrintan, uuna guddi u xilsaaro.

-In wasaaraddu ay aqbasho dhaliilaha loo soo jeediyay ayna  garowsato qaladka ay galeen.

-In raali galin ay ka bixyaan Mas’uuliyiintii sheegay in ardayda Gobolka banadir Sababta ay u dhaceen ay ahayd isticmaalka Maandooriyaha taabuuga iyo ku mashquulidda Baraha Bulshada iyo Goobaha Waxbarashada ee ay ku tilmaameen kuwo u furan ganacsi ahaan.

59940cookie-checkBataan Ay Soo Saareen Bahda Waxbarashada