Mareykanka Oo Wada Hadalo Qarsoodi Ah La Furaaya Kooxda Shababka

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Sheegaya In Saraakiisha Wasaarada Difaaca Mareykanka ay wada hadalo qarsoodi ah la bilaabayaan Kooxda argagixisada Shababka, kadib markii ay ku fashilmeen muddo 12-sano dagaalo dhiig badan oo Rayid ah ay ku daadiyeen labada dhinac….

Sii-hayaha xilka Wasiirka Difaaca Mareykanka Cristofar Miller ayaa la sheegay in loo xilsaaray inuu bilaabo qorshaha wadaxaajood lala furo kooxda Shabaabka ee xiriirka la leh Ururka Al-qaacida ayna Maamulka Dooxa noqoto mid gogosha dhex dhexaadinta fidisa sida ay qortay Jariidada New York Times ee kasoo baxda dalka Mareykanka.

La-taliyaha amniga Qaranka Mareykanka Robert Obrin ayaa la tilmaamay inuu la socday safarkii uu Miller ku tagay magaalada Doxa oo arimaha wada xaajoodkaasi quseeya lagala hadlay Mas’uuliyiinta Doxa, Miller ayaa la sheegay inuu yahay Mas’uul aan sidaa uu lahayn khibrad Diblomaasiyadeed oo lagu xalin karo arimaha sidaasi u waaweyn.

Mr.Kash Batel oo horey u soo noqday ku-xigeenka Kaaliyaha Madaxweynaha Mareykanka ee arrimaha la dagaalanka Argagexisada e Golaha amniga Qaranka ayaa soo dhoweeyay in Mareykanka uu hadda u jiheysto inuu wada xaajood la furo Al-shabaab waxaana uu tilmaamay inay suurtagal noqon karto in dowladda Qatar ay soo dhoweyso.

Maraykanka ayaa wadahadalo uu muddo dheer kula jiray kooxda Taliban ee dalka Afghanistan ka dib heshiis taariikhi ah la saxiixday kooxdaas, kaasoo ay garwadeen ka aheyd dowlada Qatar, waxaana la sheegay in Maraykanku uu haatan doonayo inuu sidoo kale wadahadalo ula furo Shabaabka.

82980cookie-checkMareykanka Oo Wada Hadalo Qarsoodi Ah La Furaaya Kooxda Shababka