Marxuum Mooto Bajaajle ah oo Dileen Xoogaga Amaanka oo Lagu Aasay Garoowe…

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa heshiis lagu soo afjaray muran ka taagnaa Marxuum Mooto Bajaajle ah oo ay 07-06-24-tii ku dileen Xoogaga Amaanka magaalada Garoowe ayaa shalay la aasay kadib markii Maamulka Puntland qaatay mas’uuliyada Dilka…

Wararka ayaa sheegaya in Qoraal ka soo baxay Wasiirka Amniga Puntland Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin ayaa lagu sheegay in Maamulka Puntland bixinayso magta marxuum Axmed Saxane Cabdi oo ay toogteen Xoogaga Amaanka magaalada Garoowe, kuwaasoo muddooyinkii dambe hawgalo ka wadey.

Iyadoo Marxuumka uu kamid ahaa wadayaasha mooto bajaajta ayaa habeenkii Jimcaha ku dhintay xabado ay rideen Xoogaga Amaanka, waxaana talaabadaasi cabasho ka muujiyey ehelada marxuumka oo diiday inay meydka aasaan, wada hadal hoose kadib ayaa lagu heshiiyay in la aaso Marxuumka.

331500cookie-checkMarxuum Mooto Bajaajle ah oo Dileen Xoogaga Amaanka oo Lagu Aasay Garoowe…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *