Tiro Saraakiil Ciidan Oo Qarax Miino lagu Dilay Halka Kuwo kale lagu Dhaawacay..

Somalia news

Faahfaahino ayaa laga helayaa qaraxyo Miino oo waxyeelo geystay ayaa lagu bartilmaameedsaday Gaari ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka kuwaasoo la sheegay in Khasaare isugu dhimasho iyo dhaawqcyo kaasoo ka dhacay Magaalada Mogadishu…

Wararka ayaa sheegaya in Gaari ay la socdeen Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa lala eegtay qaraxan oo ay ku dhawaacmeen kuna dhinteen xubno ka mid ah ciidanka, iyadoo gaariga la qarxiyay uu ahaa Land cruiser ayaa ku socdaalayay waddada Daarusalaam, waxaana qaraxa uu ku qabsaday halka loo yaqaano suuqa jaayga, Isla deegaanka Daaruslaam ee Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan ilaa 6 Askari ayaa goobta ku geeriyoodeen, kuwaasoo ka mid ahaa ilaaladii saarneyd Gaariga qaraxa lagula beegsaday halkaasi, Qaraxaan ayaa qayb ka noqonayo weerarada sii kordhaya ee ay haatan kooxda argagixisada ka geysaneyso duleedka iyo gudaha magaalada Muqdisho, xilli ay dhankooda howlgallo ka wadaan ciidamada dowladda.

271200cookie-checkTiro Saraakiil Ciidan Oo Qarax Miino lagu Dilay Halka Kuwo kale lagu Dhaawacay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com